Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan (Shaacir) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Dowladda iyo tiro ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan C/laahi Maxamed Aadan, ayaa wuxuu sheegay inaan loo baahnayn xiisada Siyaasadeed ee xilligaan ka dhex taagan Dowladda iyo Xildhibaanada Baarlamanaka qaarkood, inkastoo ay bilaabeen in tallaabadaasi ka laabtaan.
Xildhibaanka, ayaa ku waramaaya inaanu Madaxweynuhu ahayn sida gaari la'iska bedelaayo marka la doono, iyadoo uu soo jeediyay in fursad la siiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu sheegay xitaa haddii daaqada laga saaro Madaxweynaha Somaliya, inaan la heli doonin shakhsi kale oo qaban kara, hawlaha Madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay inaanu waxba ka qaban, sida uu yiri.
Mudane Shaacir, ayaa intaa ku daray in Madaxweynaha ay u harsan tahay laba sano oo kaliya, loona ogolaado in uu wax kaga qabto hawlaha hor-gudban Dowladdiisa.
Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaayo shirar gaar gaar ah, oo lagu fashilinaayo dadaalada Xildhibaanada qaarkood ku doonayaan, in ay kursiga kaga tuuraan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com