Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo Baxaysa Qarax Galabta ka Dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay kaasoo la shegay in lagu Qaarijin rabay C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka la magac baxay Koofur Galbeed ee lixda gobol.
Qaraxaan ayaa Salfaday Sida la sheegayo Kow iyo Tobon ruux iyo In ka badan labaatan ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay bartamaha magaalada Baydhabo Ama Xarunta Dahabshiil ee Magaaladaas.
Qaraxa kadib Ayaa waxaa Ka hadlay Ruuxii la rabay in la Qaarjiyo kaasoo ah C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bay ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka la magac baxay Koofur Galbeed ee lixda gobol Wuxuuna Sheegay in inuu ka bad baaday qaraxii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Baydhabo.
Sidoo kale Mudane Geeseey ayaa Yiri "Alle mahad leh, qaraxa wuxuu dhacay maanta, wuxuu ahaa mid fuleynimo ah, nimankaas argagixisada ayaa sheegtay oo meelaha internet-ka ku qortay, waa ka bad baaday, waxaa u tacsiyadeynaya dadkii ku dhintay ee gacanta xaqdarada ay dishay"
Dhanka kale Wuxuu Geeseey raaciyay Hadalkiisa ""Dhimashada waa tobaneeyo ruux, qaar ka mid ah ilaaladeyda ayaa ku dhimatay, kuwo kalena waa ku dhaawacmeen, gaariga NOAH ayuu ahaa oo nin naftii halige ah ayaa waday, meesha ayaa aniga ku sugnaa"
Ugu Danbaytii Qaraxan ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay ayaa saameyn ku yeeshay xaalada guud ee magaalada, waxaana todobaadyadii u dambeeyay amaanka magaalada ay aheyd mid wanaagsan.
Wixi Warar ah ee ku soo Kordha Qaraxaan iyo Wararka kale oo Faah faahsan Kala Soco Insha Allah .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com