Maxamed Xasan Xersi oo lagu helay Dambi ah in uu ku biiri rabay Al-Shabaab (Daawo Sawirka)

Saturday, May 31, 20140 comments

Maxkamad kutaala Dalka Canada ayaa dambi ah in uu ku biiri rabay Dagaalyahada hubeesan ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ku heshay Wiil Soomaali ah oo heesta dhalashada Dalkaasi .

Maxamed Xasan Xersi oo 28 sano jir ayaa Maxkamad lasoo taagay, waxaana lagu helay dambi ah in uu qorsheenayay in uu ku biro Kooxda Al-Shabaab , waxaana ninkan lagu qabtay bishii March 2011 garoonka diyaaradaha ee magaalada Toronto xili uu halkaasi ka dhoofayay.



Sida ay sheegeen Xeerbeegtida ninkan dacwada kusoo oogeysay Maxamed ayaa doonayay in uu u dhoofo Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, si uu halkaasi uga sii gudbo una aado Soomaaliya uuna qeyb ka noqdo Dagaalyahanada Al-Shabaab ..

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa maxkamada horteeda la keenay muddo seddex jeer ah si su’aalo loo weydiiyo , waxaana ugu dambeyn la sheegay in Maxamed uu doonayay in uu ku biiro Urur argagaxiso oo Soomaaliya ka dagaalama.

Maxamed Xasan Xersi oo ka mid ahaa ciidamada ilaalada amaanka dhisme ku yaala magalada Toronto ee dalka Canada ayaa sidoo kale lagu helay inuu shaqsiyaad kale ku dhiiro gelinayay inay ku biiraan Alshabaab.

Qoyska Maxamed Xirsi ayaa sheegay in dambi uusan laheyn wiilkooda qoorta loo galiyay ,qaabka Maxkamadu u dhacdayna ay tahay mid cadaalad daro ah , waxa ayna sheegeen in ay arintan ka qaadan doonaan racfaan.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog