Marcelo Oo Shaaciyay Sababta Ka Danbaysa Inuu Tin Badan Daysto.

Wednesday, May 14, 20140 comments



Daafaca kooxda Real Madrid Marcelo ayaa shaaca ka qaaday sababta ka danbaysa inuu daysto tin badan kadib su,aalo laga waydiinaayay noloshiisa gaar ka ah.

Marcelo ayaa sheegay in sababta uu tinta u daystay uu ka danbeeyay saaxiib kiis Robinho kaas oo ay wada joogeen Real Madrid ka hor intii uusan ku biirin kooxda Man City.

Marcelo ayaa sheegay in isaga iyo Robinho ay aad isugu egyihiin sidaas darteedna uu doortay inuu tinta daysto si aan la isugu qaldin labadooda.

“Waxaan daystay tinta, ma jaro waxaan ugu talo galay inay badato oo dheeraato anigoo ka hor tagaya isku ekaanshaha wayn ee aniga iyo Robinho” ayuu u sheegay Marcelo saxaafada Brazil.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog