Kulan lagu taageerayay Siyaasada Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirada)

Thursday, May 29, 20140 comments

Xubna kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ay ku qabteen hoteelka Safaari ee magaalada Muqdisho kulan ay ku taageerayeen madaxweynaha Soomaaliya kuna diidayaayeen mowshinka ka dhanka ah ee xildhibaanada qaar ay abaabuleen kaas oo ay ku sheegeen in uu yahay mid bur bur dalka u horseedi kara.


Dhalinyarada oo munaasaba kasoo jeediyay khudbado, heeso, iyo Gabayo muujinaya dhamaan taageerada ay u hayaan madaxweynaha dalka korna u hayay sawirada madaxweynaha ayaa waxa ay ku tilmaameen xildhibaanada mowshinka madaxweynaha ka dhanka ah in aysan aheyn kuwa dalka u naxaya waxa ayna taa bedelkeeda dhalinyaradu soo jeediyeen in xildhibaanada lagula xisaabtamo wixii ay qabteen intii ay jireen.


Waxa ay isku raaceen dhalinyarada munaasaba ka hadlay dhamaan in madaxweyne Xassan Sheekh uu wax badan dalka u qabtay intii uu talada dalka hayay, hadana laga sugaayo in uu sii horumariyo hanaanka horumarineed ee dalka.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay abwaanno iyo fanaaniin caan ah oo ay kamid yihiin Sangub iyo Qoomaal iyada oo kooxda deegaan ay halkaasi kusoo bandhigtay heeso ka tarjumaya midnimada.

Cabdi Shakuur Maxamed oo kamid ah dhalinyarada oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in marka hora ay tacsi u dirayaan dhamaan intii wax ku noqotay weeraradii Jabuuti iyo xarunta baarlamaanka Soomaalia, in ay diidanyihiin marka labaad mowshinka ka dhanka ah madaxweynaha, in ay taageersanyihiin wax-qabadkii madaxweynaha Soomaaliya, iyo in ay ku baaqayaan in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u midowdo horumarka dalka.

Waayihii danbe ayaa waxaa Muqdisho lagu qabanayay kulamo xariir ah oo ay bulshada qeybaheeda kala duwan ku taageerayaan madaxweynaha dalka kadib markii ay xildhibaanno Soomaaliyeed ka dalbadeen madaxweynuhu in uu iscasilo, waxaana ugu danbeeyay kulan ay ku yeesheen haweenka Soomaaliyeed magaalada Muqdisho 24-kii bishaan kaas oo ay ku muujinayeen taageerada madaxweynaha ay u hayaan iyo sida ay u diidanyihiin xildhibaanada keenay mowshinka ka dhanka ah.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog