Video: Daawo Fardowso Cabdi Oo Ka Sheekaynaysa Arrin Naxdin Leh Oo Ku Dhacday

Sunday, May 18, 20140 comments

Gabar Somali-Canadian ah oo uu dhaawac halis ah uu lugta kaga soo gaarey weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate mall ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay ka bogsaneyso dhaawacii soo gaarey ka dib markii laga gooyey lugtii ay ka dhaawacantay oo loo galiyey lug caag ah kaas oo ay si caadi ah ay hada ugu socoto gabadhaas.

Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Fardoowsa Cabdi oo 17 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac halis ah uu ka soo gaarey lugta ka dib markii uu ku qarxay bambo ay ku soo tuureen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee weerarka ku qaaday bishii Septembar ee sanadkii hore xarunta ganacsiga ee Westgate mall ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli ay gabadhaas iyo walaasheed ay ku sugnaayeen xaruntaas ganacsi ee weerarka lagu qaaday, Gabadhaan Soomaalida oo si xun ay uga dhaawacantay lugteeda midigta ayaa waxaa loo suu duuliyey magaalada Toronto ee dalka Canada ka dib markii ay dhaqaatiirta dalka Kenya ay wax ka qaban waayeen dhaawaceeda, Gabadhaan oo martey ilaa iyo dhowr jeer oo qaliin ah ayaa waxaa markii dambe dhaqatiirtu ay u sheegeen inaan lugeed wax laga qaban karin in la gooyo ma
ahanee iyadoona ay gabadhaas la tashiyo badan ka dib ay go’aansatey in la jaro lugteeda si ay nolosheeda ay horey ugu sii wadato.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay hada ka soo kabaneyso dhibaatadii ka soo gaartey weerarkaas ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay ku qaadeen xaruntaas ganacsi ayaa waxay hada ku jirtaa dhaqan celin iyo ka soo kabasho ku saabsan sidii ay ula qabsan lahayd lugteeda cusub ee caaga ah ee loo galiyey si ay ugu socoto.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog