War Deg Deg ah:Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka Sida oo Loo Magacabaay Aqoon yahan Da,yar

Monday, May 19, 20140 comments


Digreeto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida, oo uu horay xilkaas u hayay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Digreetadaan ayaa ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Waaana Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Loo Magacaabay G/sare C/raxmaan Maxamed Tuur Yare oo loo yaqaano C/raxmaan Cumda.

Sidoo kale digreetadan ay soo baxday sideedii bishan Waxaana soo jeedayay Ama ka timid Wasiirka Gaashaandhiga, isla markaana Madaxweynuhu aqbalay ayaa lagu magacaabay Sarkaalkan oo horay u so Qabtay Xilal Kala Duwan.


Digreetada ayaa Waxay u Qornayd Sida hoos ku Xusan:


"Madaxweynaha Jamhruuiyada Markii uu arkay qodobka 87aad farqada 2aad ee dastuurka markuu arkay xeerka LR 15 ee soo baxay 6-dii April 1960 kuna saabsan dhismaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kadib markii ay banaanaatay jagadii xilka gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, markuuu arkay soo jeedinta Wasiirka Gaashaandhiga ee LR. WG-08814 taariikhda ku beegneyd 23-ka bisha afaraad 2014 markuu tixgeliyay aqoonta u leeyahay sarkaalka la magacaabay wuxuu soo saaray xeerkan, qodobka 1aad laga bilaabo maanta taariikhda tahay 08.05 2014 waxaa G/sare C/raxmaan Maxamed Tuuryare Loo Magacabay Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare (C/raxmaan Cumda) Wxuauu Ahaa Sargaal Sare oo ka Tirsan Hay,adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Wuxuuna Xilal kala Duwan kasoo Qabtay Dalka Soomaaliya waxaana Kamid ah :

1-Hogaanka Arimhaha Dibadda ee NABAD Sugidda Qaranka Soomaaliya
2-Hogaanka Baarista Danbiyada ee Qaranka Soomaaiya
3-Hogaanka Tababarada iyo Qorshaynta Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale Mudane C/raxmaan Cumda ayaa Haysta Darajada Master Digree Wuxuuna ku Haystaa Maadada Lagu Magacaabo Qaanuunka Caalamiga Wuxuuna Wax ku Soo Bartay Dalka Masar Wuxuna Hadda Wadaa Ama Diyaarinayaa Darajada PHD ee Xiriirka Caalamiga Wuxuuna Darajada Ciimada ka Gaaray Colneyl Buuxa .

Ugu Danbayntii Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horay u fulisay xukuno dilal iyo xabsi ah askar ka tirsan ciidamada dowladda oo fal dambiyeedyo galay, waxaana ay tani yareysay dhibaatooyinka ay ciidamada dowladda u geystaan shacabka, inkastoo wali ay jiraan dhibaatooyin ciidamadu kula kacaan shacabka.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog