Aqriso: Shacabka Magaalada Muqdisho ka wal walsan hadalada kala duwan ee kasoo yeeraya Al-Shabaab iyo Dowlada

Sunday, June 29, 20140 comments

Shacabka Magaalada Muqdiso ayaa aad uga wal walsan hadalada Hanjabaada ah ee kasoo yeeraya Al-Shabaab iyo midka isna kasoo yeeraya Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya xili la guda galay bisha barakeesan ee Ramadaan.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in Magaalada Muqdsiho bisha Ramadaan inta lagu jiro ka fulin doonaan weeraro lagu qaadayo xarumaha Dowlada iyo kuwa AMISOM , waxa ayna tilmaameen in ay xoojin doonaan weerarada ay Goobaha Dowladu maamusho ka geesanayaan gaar ahaan Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxda dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha Laamaha amaanka ayaa dhankooda sheegaya in la diyaariyay Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay ilaaliyaan xarumaha Dowlada iyo sidoo kale Goobaha Muhiimka ah.

Dowlada ayaana dhankeeda shaaca ka qaaday in Magaalada Muqdiho uu ka bilowday Howlgal gaar ah oo loogu magac daray nabad ku afur , waxaana Howlgalkaasi loogu tala galay Ciidamo dowlada usoo xushay oo loo xilsaaray kahortaga weerarada iyo qaraxyada ay Al-Shabaab damacsanyihiin.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa dareemaya cabsi xoogan iyagoona ku jahwareersan hanjabaada Al-Shabaab kasoo yeereysa ee ah in ay Magaalada Weeraro ka geesanayaan halka Dowladuna ay Shacabka ugu laab qaboojineyso in la diyaariyay ciidamo loogu tala galay in ay Weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab ka hortagaan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog