Daawo: Dagaalkii Shabeeladda hoose oo isu bedelay weji cusub

Sunday, June 22, 20140 comments

Maleeshiyaadkii looga adkaaday dagaalka Shabeeladda hoose ayaa bilaabay barabagaan ay ku qalqal gelinayaan bulshada gobolkaas ku nool. Warbaahinta qaar ayaa baahiyay  in Markacadeey lagu kufsaday shan haweena hasse yeeshee waxaa dacaayadaas si dadnimo leh u beeniyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda hoose Cabduqadiir Siidii oo qabiil ahaan u dhashay beesha Digil iyo Mirifle.

"Waxba kama jiraan dacaayada lagu sheegay in Markacadeey lagu kufsaday haween uurleh,waxaan dhihi karna dacaayadaan waxaa fidinaya kooxdii looga adkaaday gobolka" ayuu yiri Cabduqadir Siidii.

Wasiirka Amniga iyo arrimaha gudaha Shabelle State Korneyl Jacfar ayaa sidoo kale barabagaanka ku sifeeyay HAL GOOWRACAN GEEDO KAMA WAABATO.

Si kastaba ha ahaatee,kooxdii looga adkaaday Shabeeladda hoose waxay naf bidayaan faafinta dacaayado aan sal iyo raad laheyn balse ujeedkoodu yahay in bulshada qurba joogta lagu qalqal geliyo ama lagu xumeeyo sumcada gobolkaas iyo maamulka Shabelle State.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog