Ciyaaryahanaka Xulka Qaranka Ivory Costa Yaya Toure iyo Kolo Toure ayaa go’aansaday in ay sii joogaan Dalka Brazl xili ay lasoo daristay murugo kadib markii Walaalkood Ibraahim Toure uu ku geeriyooday Magaalada Manchester ee Dalka Ingiriiska.
Ibraahim Toure ayaa ku geeriyooday Dalka Ingiriiska uu kunoolaa kadib markii uu haleelay xanuunka Kansarka , waxaana la sheegay in Ciyaaryahanada Yaya Toure iyo Kolo Toure ay hakiyeen safar deg deg ah ay uga bixi lahaayeen Brazil .
Labada Ciyaaryahan ayaa go’aansaday in ay sii joogaan Dalka Brazil si ay u hubiyaan in ay usoo baxeen wareega labaad ee koobka aduunka hadii maalinta talaadada xulka Ivory Costa uu ka badiyo xulka Greece .
Afhayeen u hadlay xulka qaranka Ivory Cost ayaa yiri “ Ciyaaryahanada Yaya Toure iyo Kolo Toure waxey go’aansadeen inay kooxda lasii joogaan, kama tagayaan Brazil.’’
Xulka Qaranka Ivory Costa ayaa rajadooda usoo bixitaanka Koobka aduunka Wareegiisa labaad waxa ay ku xiran tahay Ciyaarta ay la balansan yihiin Xulka Qaranka Greece.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com