Daawo sawirada,Luis Suarez Oo Umuuqda inuu Diyaar U Yahay Kulanka England Ee 19 June

Wednesday, June 11, 20140 comments

Weerar yahanka kooxda Liverpool iyo xulka Uruguay Luis Suarez ayaa u muuqda inuu diyaar u yahay inuu safto kulanka ay xulkiisu layeelandoonaan 19 june xulka England taas oo ka dhici doonta Manaus.
Suarez ayaa qaliin lagu sameeyay jilibka waxaana shaki laga qabay inuu seegidoono koobka aduunka balse Suarez ayaa Video soo galiyay bartii twitterka kaas oo ku sheegay inuu ka soo kabsandoono dhaawaciisa.
27 jirkana ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tababarkii uu la qaatay kooxdiisa  maalintii shalay ahayd.
Suarez ayaa yidhi : “ waxaan dareemayaa inaan fiicanahay, waxaan u soconayaa maalin maalin waxkastaana waxay u socdaan sidii saxda ahayd. Waxaan doonayaa inaan idiinka mahad celiyo taageeradii aad isiiseen todobaadkan  hadda maskaxdaydu waxay ku wajahantahay koobka aduunka.
Uruguay ayaa kulanka kowaad layeelandoonta Costa Rica maalinta sabtida ah saacado ka hor inta ayna xulalka ay isku groupka yihiin ee Egland iyo Italy geesaha isla galin.
Suarez ayaa kaligii tababar qaadanayay waxaana lagayabaa inuu nasto kulanka kowaad ee Costa Rica laakiin waxaa la rajaynayaa inuu safandoono kulamada Engaland iyo Italy.
















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog