Arsenal ayaa dhaqangelin doonta xaqa ay u leeyihiin inay dib u soo iibsadaan weeraryahan Carlos Vela oo haatan jooga Real Sociedad, sida ay sheegtay kooxda reer Spain.
Xiddiga reer Mexico ayaa Gunners ku biiray 2005tii markaasoo uu kaga yimid kooxda Guadalajara ee dalkiisa isagoo 16 sanno jir ah, waxaana labo sanno ka hor laga iibiyay Sociedad.
Mudadii todobada sanno aheyd ee uu joogay Arsenal waxa uu dhaliyay kaliya seddex gool oo Premier League, waxaana uu ku soo bilowday horyaalka seddex kulan kaliya isagoo bedel ahaa 26 kulan kale. Waxa uu ku daray sided gool kale oo uu ka dhaliyay tartamada kale, isagoo mar kale xitaa ahaa bedel halkii uu ku soo bilaaban lahaa.
Ka dib markii hore amah loogu diray Spain isagoo la joogay Salamanca iyo Osasuna, waxa amah lagu siiyay West Brom qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2010-11, waxaana uu dhaliyay labo gool sided kulan uu u saftay.
Hal xilli ciyaareed oo uu amah ku joogay Real Sociedad islamarkaana uu dhaliyay goolal badan ayaa keentay in Sociedad ay si joogta ah kula wareegto laakiin sharuuda heshiiska waxaa ka mid aheyd in Arsenal ay dib u la soo wareegi karto weliba lacag gaareysa 3.5 milyan ginni.
Haatana madaxweynaha Sociedad Jokin Aperribay ayaa ka sheegay idaacada Cadena SUR: “Arsenal waxa ay inagu wargelisay in Vela uu iyaga u ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
