England Oo Ka Walwalsan Dhaawaca Danny Welbeck.

Wednesday, June 11, 20140 comments

Danny Welbeck ayaa u soo muuqday mid shaki uu ku jiro inuu ciyaari karo kulanka England ay ku furaneyso Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Italy.
Indhaha oo dhan waxa ay raadin doonaan Welbeck marka England ay tababar u furan dadweynaha maanta ku qabato xarunta meleteriga Urca ee Rio de Janeiro.
Weeraryahanka Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac ka soo gaaray lugta islamarkaana ka baxay tababarkii shalayto oo talaado aheyd, taasoo ka dhigeysa inuu shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka sabtida ee Three Lions iyo Azzurri.
Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa diiday inuu wax hadal ah ka yiraahdo xalayto xaalada Welbeck.
Haddii Welbeck uu ciyaari waayo, fursadaha uu Raheem Sterling u heysto inuu ku soo bilowdo ciyaartaan ayaa si weyn u kordhi doonta











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog