Mudane Madaxweyne labada Shabelle Midkee Mudan Booqasho ?? Shabelaha Dhexe mise Hoose?

Thursday, June 19, 20140 comments

Waa yaab,,Madaxweynaha xagee Wax u Wadaaa.Warar isa soo taraysa su’aal ay dad badani ka qabaan safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee shalay uu ku gaaray goballo kamid ah Soomaaliya sida Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Booqashada gobalka Shabeellaha Dhexe oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku hormaray waxa uu deegaanka Buurane ka soo hirgaliyay Jaamacad halkaasi ay ka furatay Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Intaa kadib ayaa lagu warramay in madaxweynaha iyo wafdi la socday ay gaareen gobalka Bakool isla markaana ay tageen degmooyinka Xudur iyo Waajid.

Degmada Xudur oo xarun u ah gobalka Bakool ayaa go’doonsan waxaana lagu tagi karayaa oo kaliya diyaarad mana jiraan wax baabuur ah oo magaaladaasi gasha ama ka soo baxda.

Dad badan oo ku nool dalka iyo dibaddiisa oo indha-indheeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha booqashadiisa Shabeellaha Dhexe aan loo baahnayn isla markaana labada gobal ee Shabeellooyinka uu booqashada mudnaa gobalka Shabeellaha Hoose maadaama ay colaado ka jiraan.

Annagoo aragtida dadyowga ay qabaan aan diidanahay inaan qarino ayaa haddana ma la is oran karaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa loo baahnaa in Shabeellaha Hoose uu booqdo?












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog