Xaflada aad u weyn oo ka dhacady xarunta Jaamacada Soomaaliya (UNISO) ay ku leedahay agagaarka Isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa daaha looga rogay isbitaal jaamacaasi ay leedahay kaas oo wax badan ay ka faa’iidi doonaan umada Soomaaliyeed.
Ducaale Aadan Maxamed wasiirka hidaha iyo tacliinta sare, Maxamed Cumar Geedi, wasiir kuxigeenka Macdanta iyo shidaalka, Axmed Nuur Cabdi Siyaad, gudoomiyaha degmada Howl-wadaag, Dhaqaatiir iyo masuuliyiin kale ayaa waxa ay kasoo qeyb galeen munaasabada lagu furayay Isbitaalka UNISO.
Macalim Maxamad Axmed, gudoomiyaha gudiga sare ee Jaamacada Soomaaliya (UNISO), ayaa waxa uu ka hadlay furitaankii Isbitaalka, waxaana xariga ka jaray Istibaalka Ducaale Aadan Maxamed, wasiirka hidaha iyo tacliinta sare kaas oo sheegay in ay muhiim aheyd furitaankiisa.
Dhanka kale, ardada dhigata kulyada public and business administration ee jaamacada ayaa waxa ay kusoo bandhigeen isla xarunta Jaamacada aqoontooda kaas oo qeyb ka ahaa barnaamij ay jaamacadu ugu tala gashay in ardadu ay aqoontooda sara ugu qaadaan.
Jaamacada UNISO oo qeyb ka ah jaamacadaha ugu caansan dalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo jirtay 10 sano iyada oo ku tilaabsatay horumar dhan waliba ah, waxaana isbitaalka maanta la furay ee jaamacadu hir-gelisay uu qeyb ka yahay dadaalada ay dooneyso in ay ku horamariso caafimaadka dalka
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com






