Madaxwaynaha UEFA Platini Oo Taageeradii Kala Laabtay Sepp Blateer

Thursday, June 12, 20140 comments

Sepp Blater ayuu cadaadisku ku sii kordhayaa iyadoo ay taagan tahay arinta muranka wayn dhalisay ee martigalinta koobka aduunka ee Qatar sanada 2022. Blatter ayaa arbacadii shaaciyay inuu markale u tartamidoono madaxnimada Fifa inkasta oo uu 2011 sheegay inuu markale isa soo sharaxayn.
Sikastaba ha ahaatee Platini oo aan wali go’aan ka gaadhin inuu isaga laftiisu dib isku soo sharaxaayo ayaa sheegay in kubbada aduunku u baahan tahay hogaamiye cusub.
Platini ayaa yidhi: “ Laga bilaamo hadda way dhamaatay taageeradii aan u hayay Sepp Blatter. Waan u sheegay oo wuu og yahay taas waxaanan filayaa in FIFA ay u baahan tahay hogaamiye cusub.
Waxaa jira hogaamiyaal ka tirsan yurub oo cadeeyay sida ay uga soo horyeedaan Blatter in la siiyo fursad shanaad oo uu ku tartamo waxaana ugu danbeeyay gudoomiyha FA-ga ingiriiska Greg Dyke , gudoomiy ku xigeenka FA David Gill iyo  Gudoojmiyaha FA-ga Holland Michael Van Praag.
Waqti xaadirkan waxaa jira hal musharax oo Blatter kula tartamaya madaxtinimada FIFA waana ku xigeenkii xoghayaha guud ee FIFA Jerome Champagne.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog