Tababaraha spainishka ah ee Napoli ayaa talo siiyay xulka England taas oo ku aadan sidii ay u joojin lahaayeen kubbad sameeyaha Italy ee Pirlo. England iyo Italy ayaa maalitna Sabtida ciyaaridoona kulan koodii kowaad ee koobka aduunka.
Benitez ayaa yidhi: “ Dabcan waa sax inaan ka hadalno Pirlo waayo waynu ognahay inuu khatar ku noqondoono Engalnd. Sida ugu fududi waa in ciyaartoy gaara lagu balamiyo Pirlo tussale ahaan hadii Welbeck lagu balamiyo inuu joojiyo Pirlo oo uu markasta ka agdhawaado oo uu markasta eryado waxay keenaysaa in ay Italy hoos u dhacdo.
“Waxaan arintan oo kale sameeyay xili ciyaareedkii hore markii ay Napoli la ciyaaraysay Juventus waxaananu ku bilaabanay anagoo doonayna inaanu joojino Pirlo iyo inaanu udiidno wax fakaag ah iyo inuu sameeyo wax jaanis ah. Inkasta oo aad isku daydo inaad ilaaliso wuxuu helayaa waqtiyo uu fursad ku sameeyo.
Benitez ayaa ka hadlay sidii uu Pirlo ugu xidhay Steven Gerrard finalkii Champions leaque-ga ee 2005 wuxuuna yidhi: “ Waxa muhiimka ahayd ciyaartaa waxay ahayd sida aanu Pirlo u joojinay waxaanu doonaynay inaanu Kewell iyo Gerrard fursad u diidaan Pirlo.
“England waxay haysataa ciyaartoy isku jir ah waxayna u baahan tahay inay difaac ku jiraan oo ay qaadaan weerar deg deg ah oo baalaha u badan. Waxay haystaan Gerrard, Rooney, Sturridge iyo Sterling waana ciyaartoy isku jir ah waxayna iskugu jiran da’yar iyo khabiiro
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
