Xukuumada Somalia oo go'aan kasoo saartay Maleeshiyo Beeleedyada heesta Gobolka Sh/Hoose

Thursday, June 12, 20140 comments


Shirka Golaha Wasiirda Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta uu shir Gudoominayay Ra’isulwasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo awqaafta ee Dalka Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa Looga hadlay qodobo aad u farabadan oo muhiim ah gaar ahaan sidii loo xalinlahaa Xiisadaha colaadeed ee kajira qeybo kamid ah gobollada Dalka.

Kulanka ayaa waxaa warbxino ku saabsan xaaladaha dagaalada kataagan gobolka Sh/Hoose looga dhageystay wasiirada Gaashaandhiga iyo arimaha Gudaha kuwaasoo madax u ahaa gudi ay dowladu u saartay xalinta dagaalada ka dhacay gobolkaasi gaar ahaan magaalada Marka iyagoo kahadlay booqasho ay shalay ku tageen magaalada Marka iyo waxa ay kusoo arkeen goluhuna uu ka dhageystay su’aalana ka weydiiyay xaaladda kajirta.

Shirka golaha wasiirada ayaa sidoo kale maanta diiradda lagu saaray qaabka xal deg deg ah loogu helikaro dagaal beeleedyada kasocda gobolka Sh/Hoose oo noqday kuwo saa lab laabtay dhowr jeer

,Dood dheer kadib goluhu waxa ay Go`aamiyeen in Gobolka laga saaro maleeshiyaadka hubeysan ee kusugan islamarkaana amnigiisa gacanta loo geliyo Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya si xal waara looga gaaro xiisadaha soo noq noqday ee ay dadka badani ku nafwaayeen kuwo kalena ku barakaceen,

Ku-xigeenka Ra’isulwasaaraha ahna wasiirka diinta iyo awqaafta oo kulanka shir gudoominayay ayaa sheegay in maanta xooga la saaray sidii loo joojinlahaa dagaalada kasocda gobolka Shabeelada Hoose isagoo baaq u jeediyay dhamaan qeybaha ku lugta leh dagaal beeleedyada kasocda qaar kamid ah gobollada wadankeena,

“Dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay inay u istaagaan sidii loo joojinlahaa dagaalada socda ee dhibaatada badan geysanaya maxaa yeelay lama joogo xiligii uu soconlahaa dagaal sokeeye ayuu yiri Ridwaan xersi Maxamed” 

Dhinaca kale Xubnaha Golaha wasiirda Soomaaliya ayaa maanta kulankooda ku ansixiyay hindisa sharciyeedka hanti dhowrka guud ee qaranka












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog