France ayaan waqti badan sugin in ay soo taabtaan shabaqa Switzerland waxa ayna goolka koowaad ka dhaliyeen daqiiqadii 17-aad , waxaana saxiixay Olivier Giroud halka gool labaad oo aad u qurxoon ay heleen isla daqiiqadii 18-aad ee qeybtii hore waxaana dhaliyay Blaise Matuidi .
France oo ka kubad wanaagsaneyd Switzerland ayaa waxaa gool rigoore ah ka cunay Banzema daqiiqadii 32-aad ka dib markii qadka jibiska ka caagan lagu carqaladeeyay iyadoo kubadaas uu goolhayaha soo bad baadiyay ayaa waxaa ku sii laaday Olivier Giroud oo ay birta kaga dhacday .
Goolka koowaad ee Olivier Giroud ayaa France u ahaa midkii 100-aad ee koobka aduunka , waxaana goolal intaas ka badan ka dhaliyay tartankaan qaramada Jarmalka , Brazil , Italy iyo Argentina
Banzema ayaa taageerayaasha France ka qanciyay rigooradii uu ka cunay waxa uuna ka shaqeeyay goolka sedexaad oo rogaal celis ahaa iyadoo kubad uu u baasay Varane loona sii qaaday Olivier Giroud oo isna u sii baasay Mathieu Valbuena ayaa keenay goolka sedexaas kaasi kubadda ku hubsaday shabaqa daqiiqadii 40-aad ee dhamaadkii qeybtii hore .
Qeybtii labaad France gool 4-aad ayay keeneen kaasi oo uu si qurxoon u soo laaleeyay Pogba , waxaana dhaliyay Banzema, waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 67-aad , iyadoo mid 5-aad oo uu ka shaqeeyay Banzema ayaa waxaa dhaliyay Moussa Sissoko waxa ayna aheyd daqiiqadii 73-aad
France waxaa daqiiqadii 81-aad laga dhaliyay gool qurxoon oo ahaa Free Kick waxaana dhaliyay Blerim Dzemaili halka Granit Xhaka uu Switzerland u sii dhaliyay gool labaad daqiiqadii 87-aad , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 5/2
Natiijadan ayay France talaabo wanagsan ugu qaadeen u soo bixitaankooda wareegga 2-aad halka booska labaad ay haatan isku haystaan Ecuador, Switzerland iyo Honduras.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com