4 Nin oo qal qal gal galisay Amaanka Madaxda ugu sareysa Qaranka Soomaaliya (Warbixin)

Wednesday, July 9, 20140 comments

Sida Dowlada Soomaaliya sheegtay weerarkii xalay lagy qaaday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaa ka dambeeyay afar nin oo hubeesan kuwaa oo katirsanaa Dagaalamayaasha Xarakada Al-Shabaab.

Raga hubeesan ee weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qaarkood waxaa u suurtogashay in ay gudaha u galaan Xarunta Madaxtooyada ayna halkaasi kula dagaalamaan Ciidamo katirsan Dowlada iyo AMISOM oo ilaalo ka hayay xarunta Villa Soomaaliya.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay toogtaan Sadax kamid ah Xoogagii weerarka kusoo qaaday xarunta Villa Soomaaliya, waxaa sidoo kale Ciidamada Qabteen nin kale oo katirsanaa kooxdaasi isaga oo dhaawac ah.

Amaanka Madaxda Dowlada ee xiliga weerarku dhacayay kusugneed Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa qal qal badan galay , waxaana la sheegay in qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo xubno Dowlada katirsan oo xiligaa ku sugnaa Madaxtooyada in ay dhaxda kasoo xirteen qololkii ay ku jireen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in xiliga uu weerarku dhacayay uu ka maqnaa gudaha Madaxtooyada uuna ku sugnaa Xarunta Xalane , hasa ahaatee Gudaha Madaxtooyada Xiliga uu weerarku dhacayay waxaa kusugnaa Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada uu ku jiray R/Wasaaraha.

Dad badan ayaa isweedinaya sida ay ku dhacday in afar nin ay qal qal badan galiyaan amaanka Madaxda Qaranka Soomaaliya ayna weeraraan Xaruntii Madaxtooyada oo la ogsoon yahay in ay kamid tahay goobaha sida weyn loo ilaaliyo ayna joogaan Ciidamo badan oo katirsan Dowlada iyo AMISOM.

Xoogaga Weeraray Xarunta Madaxtooyada oo qaarkood gudaha u galay Villa Soomaaliya ayaa halkaasi ka dagaalamay in kabadan saacad, waxaana gudaha Madaxtooyada xalay laga maqlayay rasaas culus iyo qaraxyo gudaha ka dhacayay.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay weerar kal hore ay Madaxtooyada Soomaaliya ku qaadeen in uu dirqi uga fakaday Madaxweynaha ayna Madaxtooyada mar kale weerar ku gali doonaan , waxaana cad in Al-Shabaab ay inta badan ka dhabeeyaan hanjabaadyada ku aadan in ay weerarayaan xarumaha Dowlada .

Dowlada Soomaaliya ayaa hada fashil badan waxa uu ka heestaa Sugida Xarumaha Muhiimka ah Sida Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo aqalka Baarlamaanka iskabadaa in ay sugaan amaanka Shacabka ku dhaqan guud ahaan Caasimada Muqdisho. 









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog