aqriso magacyada guddiga maamul u sameynta Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Madaxtooyada lagu ansixiyay

Thursday, July 17, 20140 comments

Madaxweynaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa xalay sameeyay xaflad afur ah oo lagu ansixiyay 18-ka xubnood ee Guddiga Farsamada ee Sameeynta Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed.

Sameeynta guddiga farsamo ayaa ah tallaabo kowaad oo muhiim ah oo loo qaaday fulinta heshiiskii ay 23-kii June, 2014 gaareen dhinacyadii isaga soo horjeeday Koonfur Galbeed. 

Heshiiska, oo uu dhexdhexaadiyay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa qodobbadiisa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo Maamulka Ku-meel-gaarka ah ee Gobolka Koonfur Galbeed. Waxaa xubnaha guddigan muhiimka ah lagu soo xulay mabda’a siyaasadda loo wada dhan yahay waxaana xubnaha la soo xulay markii aad looga fiirsaday kartidooda shakhsi ahaaneed. Guddigan farsamada waxaa taageeri doona koox ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ku shaqeeyn doona hoggaanka iyo talada Ra’iisul Wasaaraha.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog