Kooxda Real Madrid oo ku dhawaaqday in ay gacan siin doonta Ciyaartoy Soomaaliyeed (Daawo Sawirada)

Thursday, July 17, 20140 comments

Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle oo booqasho kutagay Dalka Spain ayaa booqday Garoonka Kooxda Kubada Cagta ee Real Madrid halkaas uu kula kulmay masuuliyiin ka katirsan kooxdaasi.

Mr Beyle ayaa intii uu joogay Garoonka kubada Cagta ee Bernabeu Stadium waxa uu soo indho indheeyay qeybaha kala duwan ee garoonkaasi , waxa uu sidoo kale tagay qolka labiska ciyaaroyda ay ku xareesnaayeen Funaanadaha Ciyaartowda Real Madrid.

Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Sooaaliya oo manta Magalaada muqdisho kusoo laabtay ayaa sheegay in uu a kulay Masuuliin katirsan Kooxda Kubada cagta ee Real Madrid ayna u balan qaadeen in ay gacan ka siiso dhinaca tababarada Ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya ayaa noqonaya mid dareen farxadeed ku beeraya Ciyaartoyda Soomaaliyeed oo u baahan tababar caalami ah waasa hadii uu dhaboobo hadalka Wasiirka Arimaha Dibada.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog