Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Fara Cadde oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa Hambalyo ku aadan Munaasabada Ciidul Fidriga waxa uu u diray Umadaha Islaamka meel kasto ay joogaan gaar ahaan umada Soomaaliyeed.
Ugaas Cabdulaahi ayaa ilaah uga baryay Umada Soomaaliyeed in Ciidan ciideeda kale ku gaarsiiyo farxad iyo reen reen , waxa uuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan in ay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan Nabada iyo Hormarka Dalkooda.
“Ii oggolaada in aan idinla wadaago farxadda ciidda. Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu soonkii aan soonnay naga siiyo ajar iyo xasanaad. Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in ay gacmaha isqabsadaan oo ay si wadajir ah u wada ciidaan, una kaalmeeyaan wallaalahooda aan wax heysan, gaar ahaan qoysaska ay cunta yarida iyo macluushu ay soo food saartay”.ayuu yiri Ugaas Cbadulaahi
Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan nabadda, iyo dib-u-heshiinta, si dalku uu u noqdo mid horumar ballaaran sameeya.
Waxa uu si gaar ah ugaasku diirada u saaray arimaha colaadaha, waxa uuna dhamaan bulshada Soomaaliyeed u rajeeyay in ay nabad ku noolaato kana fogaato wax kasta oo dhalin kara in dhiig cusubi sii daato.
“Colaad wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, waxa aan ugu duceynayaa Soomaalida in Allaah uu ka reebo colaadaha uuna tuso wanaaga nabada”, Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi ayaa sidaaasi sheegay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com