Shacabka Muslimiinta ah iyo Jaaliyadda Sooaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Woolwich ee Magaalada London ayaa saaka si weyn ugu dabaaldegaya maalinta 1-aad ee munaasabada Ciidul Fidriga oo ku beegan maanta, iyadoo fantasiye balaaran oo arintaas ku saabsan laga dareemayo Xafadaas
Muslimiin iskugu jira rag, dumar iyo caruur, ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray Barxad wayn oo ku taal Xaafadda Woolwich ee Magaalada London si ay ugu soo tukadaan salaada ciida Iayagoo isugu Hambalyaynaya Farxadda Cidda iyo Dhamaantii Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Wadooyinka, suuqyada iyo xaafadaha ayaa waxaa saaka lagu arkayaa caruur aad u fara badan oo qaarkood waalidiintooda ay daadihinayaan, kuwaasoo ku lebisan lebis qurxoon, iyadoo inta badan caruurta ay wataan waxyaabaha Toyska loo yaqaano ee caruurtu ay ku ciyaaraan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com