Waxaa Maalmo kahor Isbitaalka Ibnu Siinaa ee kuyaala Xaafada Duq Bacaad ee Degmada Yaqshiid ku dhashay ilmo mataano ah oo isku dhagan kuwaa ay dhaqaatiirtu ku tilmaameen Mucjiso Rabaani ah.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta oo ciid ah waxa uu Isbitaalka Ibnu Siinaa ku booqday Mataanaha Mucjisada ah ee ku dhashay Isitaalkaasi , waxa uuna warbixin ku aadan xaalada Caruurtaasi ka dhageestay Maamulka Isbitaalka.
Mustaf Dhuxulow ayaa sidoo kale Warbixin ku aadan xaalada Nalolshooda iyo mida caruurta Mataanaha ah waxa uu ka wareestay Waalidiinta dhalay ilmahaasi kuwaa oo Warbixin ka siiyay Wasiirka sida uu xaalku yahay.
Wasiirka Warfaafinta oo la hadlay Warbaahinta ayaa ballan qaaday in uu dadaal badan ku bixindoono wax u qabashada caruurtaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in haddi ay caruurtani u baahanyihiin caafimaad dibadda ah ay dowladdu u qaadidoonto.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com