Aalada Facebook ayaa la sheegay in sabab u noqotay isku imaanshaha laba haween ah oo walaalo ahaa kuwaasoo aan wax xiriir ah yeelanin muddo 70 sano ka badan.
Labadaan haween oo u dhashay dalka Bosnia ayaa waxaa isugu danbeysay 1942 xiligaasoo dagaalkii aduunka ee labaad uu ka ololayay wadamo badan oo Bosnia ay ka mid tahay.
Sida lagu daabay wargeyska Bosnia Today labadaan haween ee walaalaha ah oo lagu kala magacaabo (Puda Talitish) oo 88 jir ah iyo (Tana Talitish) oo 80 jir ah ayaa waxa ay is moogaayeen muddo 72 sano ah, balse arinka yaabka leh ayaa ah in ay ku kala noolaayeen meel aan 100 KM isu jirin, balse sidaas oo ay tahay wax war ah ma aysan iska heynin.
Mid kastaana waxa ay aaminsaneed in ehelkeedii oo dhami uu ku la’day dagaalkii xiligaas taagnaa ee lagu gumaaday dad badan oo Bosnian ah.
Dhowr isbuuc ka hor ayuu wargeysku sheegay in labadaan haweenka ah la kulansiiyay, ayagoo si aad loola yaabay isugu dhegay, muddo saacad ku dhow ayaana la sheegay in ay isku dheganaayeen oo aysan kala fuqin, marxabeyn iyo kalgacal ragaaday awgeed.
Labadaan haweenka ah ayaa si weyn ugu mahad naqay aalada Facebook, maadaama 72 sano kadib ay isku keentay walaalo geeri ku kala samray.
Qaabka ay isku heleen ayaana la sheegay inuu ahaa caruur ay ayeeyo yaal u yihiin oo Facebook-ga iska bartay, dabadeedna sawiro is weydaarsaday, taasoo keentay in haweenkaan mid ka mid ahi aqoonsato tan kale, sidaasna ay ku dalbatay in lala kulansiiyo si ay u hubiso arinka.
Waxaa xusid mudan in labadaan haweenka ahi xiligii isugu danbeysay aysan Muslim aheyn, balse ay haatan labaduba yihiin Muslimiin sida warbixinta lagu xusay.
Halkaan ka Daawo Yaab ka dhacay Facebook oo malaayiin ka yaabsadey
![]() |
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com