Deg Deg ah. Wiil taagersana Xulka Arjantiin oo goor dhow six xun loogu dhex toogtay Magaalada Muqdisho.

Monday, July 14, 20140 comments

War goor dhow naga soo gaaray Xaafada Juungala Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow gudaha Xaafadaasi lagu dhex toogtay wiil da’yar oo taageerayay Xulka Arjantiin.

Wiilkaani da’da yaraa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku qeylinaayay Erayo uu ku muujinaayay Taageerida Xulkaasi waxaana kamid ahaa Erayada uu ku qeylo dhaaminaayay ‘’Caawa habeenka xusuusta Xulka Arjantiin’’.

Dilka wiilkaani taageeraha u ahaa Xulka Arjantiin, ayaa waxaa la sheegayaa inay fuliyeen Seddex wiil oo ku hubeysnaa Bastoolado, waxa ayna rasaasta uga dhufteen madaxa iyo wadnaha, iyagoona dilka kadib halkaasi isaga baxsaday.

Lama Oga sababta kadambeysay dilka Wiilkaasi dhalinyarada ahaa, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dilka uu dhacay xilli halkaasi laga fulin lahaa dil qorsheysnaa balse Codka Marxuumka oo dheera uu sababay in qoladii dilka lagu fulin lahaa halkaasi ay ka carareen sidaasna lagu dilay wiilka.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog