Deg Deg ah. Ras’isul wasaaraha oo Magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka (Akhriso shaqsiga la magacaabay)

Wednesday, July 9, 20140 comments

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Dowlada Federaalka Somalia oo la tashiyo badan sameeyay, kadib uu magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka.

Ra’isulwasaaraha ayaa waxa uu Xilkaasi Wasaarada Amniga u magacaabay Khaliif Maxamed Erig oo reer ahaan ka soo jeeda Beesha Habargidir kuna laf ah Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga ee iscasilay Gulled.

Khaliif Maxamed Erig oo iminka ah Wasiirka Amniga cusub ayaa waxa uu horay u ahaa Taliyaha Ciidamada Nabadsugida ee Gobolka Banaadir, isagoona wakhtiyadan dambe ahaa La-taliyaha Taliyaha Nabadsugida Qaranka islamarkaana ka hoos shaqeynaayay Laamaha Ammaanka Dowlada.

Wasiir Khaliif Maxamed Erig ayaa waxaa lagu tilmaama inuu yahay Shaqsi inta badan ay baadi goobayaan Alshabaab, waxaana lagu sheega in Kooxda Alshabaab ay kala dhexeyso aragti, maadama dhowr jeer uu ka baxsaday weeraro ismiidaamin ah.

Lama Oga waxa uu ka bedeli doono Khaliif Maxamed Erig ammaan darida ka taagan Magaalada Muqdisho wallow uu leeyahay Khibrad dhanka Ammaanka hadana lama sii saadalin karo heerka uu ka gaari karo Ammaanka Muqdisho.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog