Weerarkii xooganaa ee xalay lagu galay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Wednesday, July 9, 20140 comments

Faah Faahino Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar qaraxyo iyo mid toos ah loo adeegsaday oo habeenimadii xalay xiliga afurka Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in Weerarkii xalay lagu qaaday Madaxtooyada ay ka dambeeyeen afar nin oo watay Gaari Noah, waxa uuna tilmaamay Wasiirka in la toogtay sadax kamid ah Ragii Weerarka geestay halka mid kalana gacanta lagu hayo isaga oo dhaawac ah.

Ilo ka madax banaan Warka wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in dagaalyahanadii xalay weeraray xarunta Madaxtooyada ay ka badnaayeen ilaa afar nin , waxaana Warraku sheegayaan in ragaasi ay gaarayaan kudhawada 10-nin oo qaarkood is qarxiyeen halka kuwa kalana ugu dambeyn la toogtay.

In kabadan 10-askari oo isugu jira Ciidamada Dowlada ee ilaalinayay Xarunta MadaxtooyadaSoomaaliya iyo kooxihii weerarka geestay ayaa goobta ku dhintay , waxaa sidoo kale jira dhaawacyo badan oo soo gaaray labada dhinac ee iska hor yimid.

Wali lama soo sheegin wax masuul ah oo katirsan Dowlada Soomaaliya oo wax ku noqday weerarkii xalay Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Madxatooyada Soomaaliya , waxaana la sheegay in xiliga la weerarayay Madaxtooyada uu ka maqnaa Madaxweyne Xasan Sheekh uuna ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Weerarka Kooxaha Hubeesan ku galeen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqday mid qorsheesan oo laga agaasimay gudaha Madaxtooyada , waxaana la tilmaamay in gaari yaalay gudaha Madaxtooyada gaar ahaan agagaarka xafiiska R/Wasaaraha in uu qarxay.

Kooxihii Weerarka geestay oo Madaxtooyada kasoo galay albaabka dhinaca Boondheere Xiga ayaa ugu horeyn qarax ku furtay albaabka , waxaana xiligaa kadib la tilmaamay in xoogag hubeesan oo watay Dareeska Ciidanka Dowlada in ay xoog ku galeyn qeybo kamid ah xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayna bilaabeen rasaas iyo is qarxin.

Meydadka kooxihii weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa yaala qeybo kamid ah Madaxtooyada , waxaana hada gacanta ku haya laamaha sirdoonka Dowlada Soomaaliya oo baaritaano ku sameenaya shaqsiyaadkaasi weerarka ka dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Weerarka lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarka ay ku dileen tiro badan oo kamid ah Ciidamada Dowlada iyagana ay dhoor nin kaga shahiiday weerarkaasi.

Waa werarkii labaad oo sanadkan gudihiisa Al-Shabaab ku galaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ah heybada qaranka ayna dagan yihiin Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dowlada Soomaaliya , waxaana arintan lagu tilmaamay fashil dinacyo badan ah oo heesta Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog