Dood kasocotay Telefishin oo marqura Dagaal iyo in kuraas la isku garaaco isku badashay (Daawo Yaabkan)

Sunday, July 20, 20140 comments

Telefishin laga leeyahay Dalka Urdun ayaa dood Xasaasi ah waxa uu u qabtay labo garyaqaan oo u dhashay Dalka Siiriya kuwaa oo midna uu taageero Madaxweynaha iyo Dowlada Siiriya halka kan kalana uu taageero Xoogaga Mucaaradka ee Siiriya ka dagaalama.

Dooda Telefishinka kasocotay ayaa mar qura dagaal iyo in kuraas la isku qaato ka dhacday kadib markii ay xumaatay doodii u dhaxeesay Labada Garyaqaan ee kala taageersan Mucaaradka iyo Dowlada Dalka Siiriya.

Wariyihii dooda daadihinayay ayaa isku dayay in uu kala dhax galo labada garyaqaan hasa ahaatee xaalka ayaa faraha kasii baxay kadib markii mid kamid ah garyaqaanada uu fadhiga kasoo kacay uuna bilaabay dagaal iyo in uu kursi ku tuuro ninka kale ay dooda ka dhaxeesay.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog