Dowlada Turkiga oo shaaciyey qorshe cusub oo Muqdisho uu ka damacsan yahay

Thursday, July 24, 20140 comments

Dowladda Turkiga ayaa qirtay in tan iyo markii ay timid magaalada Muqdisho ay wax badan ka badashay horumarka dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Safiirka cusub ee Turkiga u soo magacowday Soomaaliya oo maanta ka hadlaayay xaflad lagu sagootinaayay safiirkii ka horeeyay oo lagu qabtay Muqdisho ayaa qiray in Turkiga tan iyo markii uu billaabay mashruuca uu ka wado Soomaaliya seddax sanno ka hor in ay wax badan is badashay Muqdisho.

Safiirka ayaa sheegay dowladiisa in wax badan ka badashay Soomaaliya oo laga aaminsanaa dal khatar badan.

Wuxuu sheegay oo kale in ay dhawaan magaalada Muqdisho ka hirgalin doonaan mashaariic cusub kuwaasoo la rabo in lagu sii xoojiyo mashaariicdii horey Turkiga uu uga hirgaliyay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay jiraan qorshayaal cusub oo Muqdisho ay dowladda Turkiga ugu tala-gashay, oo la billaabi doono dhowaan, ayna filayaan in xaaladda amni ee caasimada ay sidan ka roonaato, si ay ugu dhaqaaqaan qorshayaashan.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga uu horseed u noqday in Muqdisho aaney ahayn magaalo khatar badan.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixin dhawaan soo baxay ay Muqdisho kaalinta 9-aad ay ka gashay magaalooyinka ugu khatarta badan caalamka, taasna ay muujineyso in ay ka horeyso seddax magaalo oo ku yaalla qaarada Afrika.

Wasiirka ayaa ammaanay safiirkii hore ee Soomaaliya oo uu yiri wuxuu sabab u ahaa in magaalada Muqdisho uu ka dhigo magaalo ay yimaadaan Soomaali badan oo raba in ay maalgashi ka sameestaan Muqdisho.

Wuxuu kaloo ammaanay shacabka iyo dowladda Turkiga kuwaasoo dhabarka u xirtay in ay gacan siiyaan walaalahood Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle waxaa uu tilmaamay in Turkiga uu ka hirgaliyay magaalada Muqdisho, Isbitaalo, iskuulo iyo iyagoo dib u dhis iyo casriyeen ku sameeyay waddooyin burbursanaa kuwaasoo lagu xardhay nalalka cad-ceeda ku shaqeeya.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog