NEWS:Dowladda Masar oo maanta fureysa Xuduuda ay la lee dahay Gaza, si dadka reer Falastiin loogu gurmado

Sunday, July 13, 20140 comments

Masar, ayaa waxay maanta fureysaa Marinka Rafah, si gacan loogu fidiyo dadka reer Falastiin ee waxyeelada ka soo gareyso, duqeymaha ay diyaaradaha Yahuudu ka wadaan Magaalada Gaza.

Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa waxay shaacisay inay Masar Sabtida maanta ah fureyso Xuduuda Rafah, iyadoo markaasi laga soo tallaabinaayo rayidka ku waxyeeloobaaya duqeymaha.

Isbitaalada dalka Masar, ayaa daryeel caafimaadeed loogu fidin doonaa dadka reer Gaza, xilli ay waxyeelo daran ka soo gaareyso duqeymaha xargaha goystay, ay Yahuudu ku heyso.

Wasaarada Warfaafinta ee Falastiin waxay xaqiijisay in Masar ay ku soo wargelisay inay fureyso Marinka Rafah, halkaana laga tallaabin doono dadka u baahan gargaarka caafimaadeed.


Diyaaradaha Israel, ayaa habeenkii 5-aad oo xiriir ah waxay duqeymo arxandaro leh ka geysteen Magaalada Gaza, iyagoo la dhacay in ka badan 500 xabo oo gantaalo ah.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee saacadihii la soo dhaafay loo geystay Gaza, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ku dhimatay 20 ruux, balse dhimashada guud waxay mareysaa in ka badan 115 ruux, tan iyo markii ay Israel bilowday duqeymaha ka dhanka ah Gaza. Halka dhaawacuna uu sii caga cageynaayo in ka badan 800 oo kale.

Bayaan ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa waxaa si xoogan loogu cambaareeyay duqeymaha ay Yahuudu ka geysaneyso Gaza, iyadoo ayna Maamulka Yahuuda ugu baaqday inay is xakameyso.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Israel aan looga baahnayn inay bartilmaameydsato goobaha rayidka, xilli waxyeelada ugu badan ay duqeymaha ka soo gaareyso caruurta, haweenka iyo waayeeladaba.

Masar waxay kaloo Beesha Caalamka ugu baaqday inay si deg deg ah ku soo fara-geliso, gardarada Yahuuda ay ku heyso bulshada reer Gaza. Sida lagu sheegay Bayaanka ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Masar.

Telefishinada Wadamada Carabta, ayaa waxay si weyn u soo tabinayaan waxyeelada dadka reer Falastiin ka soo gaareyso duqeymaha, xilli Madaxdii Carbeed aynaan si sax ah kaga fal celinayn.

Bulshada Carbeed, ayaa waxay si caro leh kaga hadleysaa beegsiga Israel ee ka dhanka ah rayidka, iyadoo barraha ay bulshadu adeegsato aad ku arkeyso, sida xoogan ee ay kaga dhiidhinayaan duqeymaha ku foorara Gaza











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog