Haweenka qurbaha ka yimid iyo dhalinyarada xamar maxa kala heesta -Daawo

Friday, July 11, 20140 comments

Iyadoo xiligan lagu guda jiro Bisha Ramadaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyey Haweenka Qurbaha ka kala yimid, waxaana dhalinyarada Muqdisho ay loolan xoogan ugu jiraan haweenkaasi.

Xaafadaha magaalada Muqdisho dhalinyarada ku nool waxay loolan adag ugu jiraan sidii ay ku kasban lahaayeen haweenka Qurbaha ka yimi, goobaha la isugu yimaado ayaa ku arkaysaa dhalinyarada oo labis bilic qurxoon soo xirta isla markaana qaarkood gawaarida yar-yar ee raaxada soo tabalsada si ay u kasbadaan haweenkaasi.

Sidoo kale haweenkan oo intooda badan aanan ka helin Yurubta ay ka yimaadeen Ragg ay la wadaagaan nolosha guurka ayaa dhankooda xuuraansi xoogan ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen dhalinyaradaasi si ay ula aqal galaan.

Dhacdooyinkan ayaa ah kuwo ka badalan waqtiyadii hore oo inta badan gabdhaha reer Muqdisho ay xiiso gaar ah u qabi jireen Dhalinyarada iyo odayaasha ka yimaada qurbaha waxaana badalay haweenka Qurbaha ka yimaada oo dhalinyarada Loolan adag ugu jiraan xiligan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog