Xaliimo Nuur Cabdi oo ah hooyo Soomaaliyeed kana go’an qeybo kamid ah carabka oo ah xubin muhiim u ah Aadanaha ayaa waxa ay nolol tii ugu xumeed ku heysataa Kaamka Sayidka ee ku yaalla dhanka Galbeed ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Hooyo Xaliimo oo aan hadli Karin maadaamaama xubintii hadalka ay ka maqantahay ayaa waxaa xaaladeeda nooga waramay mar aan ku booqanay aqal cooshado ka sameysan oo aan celi Karin dhadiga iyo dhedada toona, gabar ay dhashay oo lagu magacaabo Saynba Cali Maxamed oo ah ruuxa kaliya ee kanool dhaman caruurtii ay dhashay Maadama Xanuunsaneysa.
Saynba Cali Maxamed ayaa waxa ay noo sheegtay in hooyadeed oo dhashay caruur ku dhaw 10 hasa yeeshee kaligeed ay ka nooshahay ay ka jiratay carabka kadibna uu qeyb qeyb u go’ay iyada oo intaa ku dartay in xanuunku uu uga fiday dhanka cunaha oo aysan cunna adag qaadan Karin xilligaani.
Saynba Cali Maxamed ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in hooyadeed la sheegay in uu hayo Kansar kadib markii ay la kulantay dhaqaatiir Muqdisho saldhigoodu yahay kuwaas oo faray iyada in hadii ay suuragal tahay loo qaado dibada si loogu soo daweeyo.
Waxa ay intaa ku dartay in aysan kaalmo helin intii ay xanuunsaneysay aysanna iyada suuragal ka aheyn in ay hooyadeed geyso goob caafimaad oo wax looga qaban karo maadaama aysan heysan dhaqaale arintaasi lagu dabooli karo.
Waxa ay ka codsatay Bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo wax-heysata in ay usoo gurmadaan hooyadeed si ay uga qeyb qaataan bad-baadinta nafteeda.
Cidii dooneysa in ay caawiso Xaliimo Nuur Cabdi waxa ay kala xariiri kartaa taleefan number: 00252615320914.
Taleefankaan waxaa haya Saynba Cali Maxamed oo ah gabadha ay dhashay maamo xaliimo ee hada xanaaneysa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com