Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Eng. Hassan Hamza (Daawo Sawirada)

Saturday, July 19, 20140 comments

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha cusub Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza .

Kulan gaar ah ayey wada yeesheen Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya , iyadoo fadhigaasi looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya ,Xoojinta,horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh , dib u furidda safaaradda cusub ee Dowladda Qatar ay ku yeelaneyso Caasimadda Muqdisho iyo qodobo kale .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u rajeeyay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza guul iyo xil gudasho ammaan leh .

Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka Qatar oo soo taxanaa muddo dheer .

Dowladda Qatar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya , waxa ayna caawinaad iyo kaalmo bani’aadanimo xilliyo kala duwan ugu deeqday qoysas saameeyay abaaro oo ku kala nool deegaano ka kala tirsan gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka Soomaaliya , iyadoo gargaarkaasi bani’aadanimo ay fuliyeen hey’adaheeda samafal ee ka howlgala dalka .












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog