Xukuumada Soomaaliya oo heshiis la gashay Shirkad Batrool oo Imaaraati ah

Saturday, July 19, 20140 comments

Wasaarada Macdanta iyo Shidaalka ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad soo saarta Batroolka oo laga leeyahay imaarada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Shirkadan oo lagu magacaabo Mubadala petroleum ayaa ka caawin doonta dowlada Federaalka dhanka waxsoosaarka gaar ahaan shidaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Federaalka u qaabilsan Macdanta iyo Shidaalka Daa’uud Maxamed Cumar oo bishii June safar ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Dowlada Puntland ayaa isla bishii June shaacisay inay jiraan heshiisyo qarsoodi ah oo Federaalka la galay shirkado shisheeye, isla markaana shirkadahaasi aysan imaan Karin deegaanada iyo bada Puntland. [

Musabbeh Al Kaabi, oo ah Madaxa horumarinta ee shirkada Mubadala ayaa warsaxaafadeed uu Khamiistii soo saaray ku sheegay in heshiiskan uu fursad u siin doono Aqoonta baaxada leh ee shirkadooda u leedahay waxsoosaarka inay ka faa’iideysato Soomaaliya, iyagoo xiriir qoto dheer la sameenayaan dowlada Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa mashaariicda batroolka.









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog