Saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta Fagaare kuyaala Magaalaa Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay salaada Ciida kula dukadeen Boqolaal dadweyne oo ku dhaqan Maaaladaasi.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamed Raage iyo Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdala iyo araakiil kale oo katirsan Al-Shabaab ayaa maana Boqolaal dadweyne ah kula dukaday Barxad kutaala Baraawe.
Salaada Ciida kadib Saraakiisha Al-Shabaab ayaa la hadlay dadweynihii kasoo qeyb galay Dukashada Salaada Ciida waxa ayna ku booriyeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada ay AL-Shabaab ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Magaalada Baraawe ay gacanta ku hayaan AL-Shabaab ayaa si weyn looga ciiday , waxaana wadooyinka magaalaaasi lagu arkayay dadweyne fara badsan oo farxad ku ciideesanaya kuwaa oo hambalyo hawada isku marinayay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com