Muslimiinta askarta AMISOM iyo Ramadaanka: DAAWO SAWIRRO

Sunday, July 27, 20140 comments

Ciidamada Muslimiinta ee AMISOM, kuwooda ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxay muujiyeen sida bishan barakeysan ee Ramadaanka muqadas u tahay xusida iyo alle u dhawaanshaha.

Ilaa 400 Askari oo ka socda nabad ilaaliyeyaasha AMISOM, gaar ahaan dalalka  Kenya, Sierra Leone iyo inyar oo Burundi ka socda ayaa keli ku ah inay Soomaan, iyadoo sidoo kale xiliyada qaar ay waqtigooda siiyaan akhrinta Qur’aanka Kariimka.

Hassan Shilali waa Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM, wuxuu Imam ka yahay Masjidka garoonka weyn ee magaalada Kismaayo ku dhex yaal, isagoo sharaxay muhiimadda ay bishan Ramadaan u leedahay Muslimiinta, isagoo sheegay in askarta Muslimka looga baahan yahay inay dhawraan bisha quduus ah, iyagoo gudanayo shaqadooda milateri.MUSLIM-AMISOM-`3

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay u dhawrtaan Ramadanka Kismaayo, waxaan ku sugan 400 ku dhowaad askara AMISOM oo Muslim soomaya Waxaana qofba mar uu diyaariyaa cuntada afurka iyo saxuurta oo noocyo kala duwan leh”ayuu yiri Hassan Shilali.

Wuxuu ka codsaday Soomaalida in ay alle ku xernaadaan, iskana daayaan anshax xumada, isnaceybka iyo qabiilka si ay ugu gudbaan dhibaatada haysata.

AMISOM waxaa qeyb ka ah ciidamadeeda Muslimiin badan oo ka socda dalalka Ugandha, Burundi, Kenya, Sierra  Leone, Itoobiya iyo Jabuuti oo ah dal Muslim ah.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog