Aqri: Daawadii haddii ay Bukootay Maxaa Lagu Daweyn (Qoraal Xiisa badan oo Macluumat wata)

Wednesday, August 6, 20140 comments

Waxaa la wada ogsoonyahay, cudurro badan oo wadanku uu la ildarnaana dhibna ku hayey in qaarkood daawa loo heley , guud ahaanna ay wadanku wax iska badaleen, dhinaca nidaamka, amaba ugu yaraan hayadaha Dowladda ee bixiya Adeegyada bulashada, waxaana hadda jiro ugu yaraan maamul heer qaran ah, wasaarado leh wasiirrro, kuxigeenno, Agaasimayaal guud iyo kuwa waaxeed, madax qeybeedyo, madax mashaariiceed iyo shaqaale, waqti kooban ka hor heerkaas looma dhaweyn , waxaana leeyahay awal waxaan dhaliilo usoo jeedinnoo xittaa ma aynan heysan hadase waxbaa jiro ugu yaraan dhalliiluhuba ha badnaadeene, balse inaan intaas yeelanno ama wasaaradaheenu gaaraan intaas amaan ma noqoneyso oo wali waxa aan taaganahay, haykalki ma noo dhisanyahaya ayadoo aanan wali la isla gaarin adeegyadii bulshada la gaarsiinayo inta uu la egyahay, iyo noociisaba, balse siba si bey dhaantaa, waxaa jirtey maahmaah oran jirtey roomana hal maalin laguma dhisin.

Farqi ayaa u dhexeeya wasaadaheenna iyo adeegyadena danta guud waxeyna sugu jiraan kuwa curyaansan iyo kuwa si dhaqsa ah u korayo, waxaa ka mid ah wasaaradaha tusaale loo soo qaadan karo ee sida dhaqsada ah u korayo oo dhaqdhaqaaqna uu ka jiro, wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda waxbarashada, hadaba suaasha is weydiinta mudan waxay tahay maxaa keeney ama u suurta galiyey wasaaradahaas iney si dhaqsa ah u koraan kuwana curyaansanyihiin wali, maxaa fursada ah oo ay heleen wasaaradahaasi ee u suurta galiyey inay ka yara dhaqdhaqaaq roonaadaan wasaarado badan, waa maxayse caqabadaha hor yaallo ee iney xaliyaan ay tahey iyaga laftooda, maxaa ka qaldan guud ahaan nidaamka hadda wasaaradduhu u shaqeeyaan, Haddaan sadarro yar ku soo koobo qodobadaas kor ku xusan ee ku saabsan fursdaha jiro ee ay heysataan wasaaradahaa, si aanan u dhimin amalka iyo rajada jirto Furasadaha ay wasaaradahaasu u heleen sida gaarka ah waa dhowr balse aan idiin iftiimiyo saddexda ugu muhiimsan.

Dhaxal macquul ah. Wasaaradaha qaar sida Wasaaradda caafimaadku, waxey heleen dhaxal macquul ah, maadaamo nidaamka caafimaadka wadanka burburki kadib ay sii wadeen hayado caalami ah iyo kuwo maxalli ah oo iskaashadey in kastabo ha la ekaado adeega ay bixinayeen , noocuu rabana ha naqdo, laakiin waxaa jirey dhaqdhaqaad iyo dadaal, sidaa darteedna wasaadahaa waxa si tartiib tartiib ah ugu soo noqonayo dhaxal kaas isaga ah

Xirfadlayaal da’ yar, sidoo kale waxay wasaaradaha qaar nasiib u yeesheen iney helaan xirfadlayaal da’ yar oo ilaa xad dabooli kara shaqadooda bilowga ah, isla markaana si dagdag ah u kobcin karo taas oo ayan nasiib u yeelan wasaaradaha intooda badan.

Taageero caalami ah wasaaraddahaa waa loo dhaga nugulyahay isla markaana waxay heli karo taageero, maadaamo ay adeeg toos ah oo asaasi ah ay siineyso bulshada, Hadaba ayada oo ay fursadahaas qaaliga ah heleen wasaaradda qaar gaar ahaan wasaadda caafimaadka iyo wasaaradda waxbarashada ayaa hadana waxaa muuqato in weli wax badan si ka yihiin, isla markaana curyaamiyey shaqada iyo shaqaalaha fariidka xirfadda iyo khibradana u leh howsha ee jooga wasaaradahaa, waxyaalahaas waxay isugu jiraan dhowr qodob kuwa ay keentey Hogaan xummo iyo farsamo xumo heysata horjoogayaasha wasaaradaha hadabo marka ay jirto hogaan xumo waxaan isla qirsannahey in wax walbo ay curyaamayaan arrimaha aan mulaaxadeeyey intaan ka war qabey Wasaaradahaa Gaar ahaan wasaaradda caafimaadka waxaa ka mid ah, marka shir guud la isugu yimaado waxaa soo buux dhaafiyo hoolalka iyo hoteellada shaqaale xirfad buuxdo leh, kuwaas oo aadan ku arkeynin shaqada oo kaliya la arka xilliyada shir guud uu jiro ama qarashaad jiraan, cilladu ma ahan shaqaalaha waa Hoggaanka

kuwa waqtiga iyo duruufhuu keeneen, oo aysan ku eedyesnayn wasaaraddaha, waxyaalo badan si tartartiib ayay u gaareysaa heer qaran, Gobol, dagmo iyo tuulabo, hasa yeeshee, hagaaga hooyga ayuu ka bilowdaa, halkaan ugama hadleynno adeega ee wasaaradduhu bixiyaan waxaan waxa yar ka iftiimineynaa, nidaamka guud ee wasaaradda inaga oo iftiimineynno waxyaalo laga yaab, mararka qaar makii aan suaalo faduul ah ka weydiiyo maqduucaan jawaabaha waxay noqdaan ku aan jecleysan waxaadna mooddaa in daku kula tafkiir duwanyihiin, hab maamulka wasaaradda , marka laga soot tago wixi duruufuhu keenen Cilladaha sixitaanka u baahan ee wasaaradaha dhibaatada ku heya oo ay la curyaameen marka si qoto dheer loogu fiirsado dhamaan waxay galaayaan Hal qeyb oo ah Hogaan xumo ( poor leadership) Haddaba aan taabto kuwa ugu muhiimsan qodobadaa iyaga ah

• Haykalka ( organogaram) ka wasaaradaha oo ilaa hadda aan dhameystirneyn lamaba yaqaan qeybkaste waaxda ay hoostagto

• Shaqaalaha oo aan lahayn tusmaha waajibaadka shaqo (job description) ku jiheeeya shaqada ay leeyihiin, qof yaqaanno shaqaada u taallo ama ay tahay inuu qabto waaa yarayahay

Xogta wasaaradaha oo ku kooban dhowr qof oo kaliya, shaqaaluhu intooda badan waaba ka dhaga layihiin waxa socda, taasi waxay cadeyn u tahay maamul xumada baahsan eek a jirta wasaaradaha

• Qorsha la,aan iyo qorsho xumo: markaste wasaaraduhu waxay ku jiraan xaalad dagdag ah siq dhexe habeynki ayaa la is wacaa si la isugu sheego inuu barri jiro shir, ama la iska rabo in la sameeyo document, waa shaqo u baahneyd in lagu bixiyo dhowr todobaad.

• Shirar iyo safaro aan la ogeyn wax ka soo boxo oo ku eg oo kaliya ciddi ka qeybgashey .

• Madax aan la ogeyn xilliga ay safraan iyo xiliga ay soo noqdaan midna( inta la maqanyahay cidina masuuliyadooda ma sii heyso )

• Qaabka shaqaaleysiinta shaqaalaha oo aan lahayn wax nidaam ah, oo ah qajajac waxaadna arkeysaa laba nin oo isku aqoon iyo isku khibrad iyo isku xirfad aan ahayn oo hal boos isku haysta, wax lagu kala saarana aysan jirin ( kooda qajajac badan ama kor ka yimaad ama xariir dhow la leh madaxda ayaa u haro jagada aalaabo )

• Marjiciyad la’aan sida nidaamka caadiga ahi yahay wixi Agaasime waaxeed xalin waayo waxuu u gidbiyaa Agaasime, kadib wasiir, halkaanse wixi la xalin waayo meeshoodey ku dhintaan

La xisaabtan la,aan, cidina cid lama xisaabtanto, taasina waxay keeneysaa in shaqada qaranku fadhiid noqoto. Hadaba anigoon dheereyneyn qoraalka marka aad fiirsid qodobadaa kor ku xusan dhammaan waa isku bah oo waxay hoos galayaan hal shey oo ah Hogaaan (Leadership ) jirrada (cudurka) na Heyana waa meeshi ay wax ka daawoobi lahaayeen, su’aashu waxay tahay haddii dawadii naga bukootey oo hogaankii inaga qaldanyahay maxay taladu tahay meesha wasaaraduhu ka kacaan waa hogaanka, gawaari darwaladoodi hurdaan Ayey shaqaaluhu ku dhoobanyihiin oo aan meelna u socon, ciladda wasaaradeheennu waa waa Agaasimayaal (DGs), kuwa guud ha noqdaan ama kuwa waxyaaha

Hadaba si loo saxo maxaan u baahannaha soomaalidu waxay ku maahmaahdaa xaajo aan sidii daba riyaad loo faydin ma dawowdo sidaa daraaddeed waxaan u baahannahay laba qodob oo kaliya in la sameeyo waxaana aaminsanahay haddi labadaa qodob la sameeyo wax badan ayaa saxmaya, waxayna fura u noqoneysaa dhismaha hab nidaamka dowladeed

Agaasimayaashu waa inay nidaam ku yimaadaan ( nin aan system ama nidaam ku imaan marna kama sugeyno inuu nidaam ku shaqeeyo, xittaa hadduu xirfad iyo khibrad badan leeyahay, agaasimayaasha waa in lagu soo doortaa aqoontooda khibradooda iyo kartidooda ayna jirtaa (criteria ) Qodobbo iyo shuroodo u deggan oo ay tahay inuu buuxiyo, oo uu ka soo dhex baxaa kana soo dhex dhalaalaa tartan tabartiisana ay meesha keentaaa Qodobka kale laxisaabtan ( acountbility ) waa in lala xisaabtamo cid kaste oo xil heysa, shaqada loo igmadeyna loogula xisaabtamo si joogta ah Labadaas Qodob haddii la helo allana la tala saarto waxaan aaminsanahay wax aad u badan ayaa inoo hagaagi doono Haddii allaha awoodda lihi ogolaado

W/Q. Axmed Adam (deerow)
Email:- Deerow140@gmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog