Daawo Gabadhii ugu horeesay oo Muslim ah Wasiirna ka noqota Briten oo is casishay kadib markii ay ka xumaatay..

Wednesday, August 6, 20140 comments

Sayeeda Warsi, oo aheed Wasiiru dowlaha xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Briten ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xilkaasi, iyadoona sabab uga dhigtay iscasilaadeeda colaada ka aloosan Magaalaa Gaza ee dhulka Reer Falastiin.

Warqadda is casilaadeeda ayeey Wasiiru dowlihii xafiiska arrimaha dibadda ku sheegtay in ay aaminsantahay in siyaadda hadda ee xukuumada Briten ku shaqeeneyso ay dhaawacday sumcadii caalamka ay Briten ku leheyd .

Wasiiradan Jagadeeda ka tagtay ayaa tilmaantay in dhibaatada ka taagan Magaalada Gaza ay tahay mid aan indhaha laga qarsan karin , waxa ayna intaa raacisay in Ciimamada Yahuuda ay halkaasi ka wadaan howlgalo ka baxsan bani'aadanimada.

Mucaaradka iyo xubno katirsan Baarlamaanka Dalka Briten ayaa Rai'sul wasaaraha Dalkaasi David Cameron, ku dhaleeceeyay in uusan si adag u cambaareyn Duqeynta ay Ciidamada Israa'il ka geesanayaan Magaalada Gaza oo lagu dilay dad badan oo Shacab ah.

Sayeeda Warsi ayaa aheed gabadhihii ugu horeesay oo Muslim ah oo kamid noqota Xukuumada Briten, waxa ayna gabdhan is casilaadeeda ku muujineysay sida ay uga xuntahay xasuuqa Yahuuda ku heyso dadka reer Falastiin.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog