Ciidamada AMISOM duqeyn ba'an ugu geystay Magaalada Marka iyo Dowlada oon ka hadlin (Daawo Sawirada)!

Tuesday, August 12, 20140 comments

Ciidanka AMISOM oo ku sugan magaalada Marka gaar ahaan ciidamada Dalka Ugandha ayaa Madaafiic ku garaacay xaafadaha shacabka magaalada Marka kadib markii Miino kula kacday Baabuur kamid ah kolonyo AMISOM ah oo mareysay agagaaraha Buundo Bilan ee Magaalada Marka. 

Ciidanka Uganda oo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka hawl gala soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay Madaafiic ku garaacayay Xaafadaha shacabka tabaalaysan ee magaalada Marka markasta oo gawaaridooda Al Shabaab la eegtaan qaraxyada lagu hago remote-ka oo ay inta badan isticmaalaan Alshabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa Magaalada Marka ka degan dhinac qorax ka soo baxa ee Tuulada Ceel Xaaji Yuusuf iyo sidoo kale qorax dhaca Magaalada Tuulada Ceeljaale. Ciidanka AMISOM oo ka socda Uganda ee degan Ceel Xaaji ayaa markasta duqeyn aan loo aaba yeelin ka geysta mar kasta oo qarax Miino lala eegto Baabuurtooda dhex maraysa Magaalada Marka.

Madaafiicda Lagu garaacayo magaalada Marka ayaa Bilaabatay kadib markii la bedelay Ciidankii Burundi oo ka tirsanaa AMISOM oo ka hawl galayay Marka lagu bedelay Ciidamo kasocda Dalka Uganda. 

Ciidamada Dalka Burundi ee ka tirsanaa hawlgalka AMISOM ee ka hawl geli jiray Magaalada Marka ayaan ebid Madaafiic ku garaaciin shacabka magaalada Marka si kasta oo qarax loogu geysto gawaaridooda gudaha Magaalada Marka, Ciidanka Burundi ayaa markii qarax loo geysto si degdeg ah Baaritaan ugu sameyn jiray agagaaraha xaafada lagu qarxiyo iyaga oo uun qaban jiray dhalinyarada ay uga shakiyaan inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Dawladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa indhaha ka qarsaday falalka guracan oo Ciidanka AMISOM gaar ahaan ciidamada dalka Uganda u geystaan shacabka Soomaaliyeed oo u dhaxeeya Kooxda Alshabaab iyo qeybo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog