Dhacadadani sida Weyn warbaahinta Kenya waxa Uga Qortay ayaa Noqonaya Mid layaab ku noqonaysa dadka Arinta ka war haya Iyadoona TV ga Citizen Ee Dalka Kenya Uu baahiyey Inay Hooyo Kunool nairobi Iib Ku raadinayso Laba Wiil Oo Ay Dhashay .
Hooyadani Oo lagu magacabo sayna Akumo Ayaa Sheegtay inay hada lacag Ku raadinayso Laba ka Mid Ah caruurteeda taasi oo sabab uga Dhigtay Saboolnimo ama hanti la’an Soo fodsartay,Iyadoona Mashquul ku Ah Sida Ay U gadi lahayd caruurteeda.
Afhayeen ku hadlay Booliska Kenya Oo lagu magacbo Pual Leting Ayaa Sheegay inay haweenaydani Doonaysey Inay Iibiso caruurteedani,waxayna sheegtay Inay diyaar u tahay inay Ku iibiso labadani Wiil Ee dashay Midkiiba 100 Kun sh.
Una Dhiganta(102o Oo Dolar) sainab Akumu Oo Ah hooyada Dhashay Iibka Ku raadinaysa ilmaheeda
Ayaa Sheegtay inay haysato fursad wanagsan oo suuqa Ku gayso labadani Wiil Ee ay Dhashay,Iyadoona Sheegtay inay haysto 8 Caruura oo laba ka Mid Ah yahiin kuwani iibka Kudoonayso.
Pooliska Ayaa Sheegay inay ka Shaki qabaan inay tahay Hooyadani mid maskaxda Looga Jiro ilaa hadana Ku soconayaan baadhitaano arintani la xirirta.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com