Ciidamada Somaliland oo gacana ku dhigay Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Somalia

Thursday, August 28, 20140 comments

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dagaalkii xooganaa ee saakay ka dhacay Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool lagu qabtay Masuuliyiin Dowlada Soomaaliya xilal uga soo qabtay iyo Xildhibaano katirsan Baaralamaanka Soomaaliya.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa si buuxda ula wareegay Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool oo saakay lagu waday in ay ka dhacdo caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galeyr.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay gacanta ku dhigeen R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Sadax Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya , iyo waxgarad kuwaa oo deegaankaasi u tagay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha Khaatumo.

Ciidamada Somaliland ayaa dadkan ay qabteen waxa ay la aadeen Dhinaca Degmada Burco ee Maamulka Somaliland, walina si rasmi ah looma hayo tirada rasmiga ah ee maxaabiista ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Somaliland.

Masuuliyiin lagu casuumay Caleemo saarka Madaxweynaha Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen deegaankaasi ay maanta la wareegeen Ciidamada Somaliland, walina lama oga halka ay jaan iyo cirib dhigeen Cali Khaliif iyo Masuuliyiin kale oo kusugnaa Deegaanka Saax-Dheer.

Ma jiro masuuliyiin katirsan Maamulka Khaatumo iyo Somaliland oo xaqiijiyay qabashada R/Wasaarihii hore ee Xukuumada Soomaaliya iyo Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog