Col. Barre Hiiraale oo shaaca ka qaaday in Shuruud la’aan uu tagayo Kismaayo uuna la hadlayo Maamulka KMG ee Jubba

Thursday, August 28, 20140 comments

Col. Barre Aadan Shirre Hiiraale oo dagaal looga saaray Magaalada Kismaayo kuna sugnaa mudo badan Duleedka Magaaladaasi ayaa ugu dambeyn ogolaaday in uu tago Magaalada Kismaayo uuna ka qeyb galo Shirka Dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo Magaaladaasi bisha soo socota.

Wafdi Wasiiro ah oo katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay kulan saacado qaatay waxa ay Deegaanka Goob-weyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo kula qataeen Col.Barre Hiiraale , waxa ayna ku qanciyeen in uu nabada qaato uuna ka qeyb galo shirka dib-uheshiisiinta ee dhawaan la qabanayo.

Barre Hiiraale sheegay in isaga iyo hoggaamiyayaasha kale ee diiddan maammulka KMG ee Jubba loo ballan qaaday in wadahadal lagu dhamayn doono khilaafaadka uu tagayo dhawaan Magaalada Kismaayo oo dagaal looga saaray.

Co. Barre ayaa xusay in uu hada aqbalayo in shirka Kismaayo ee Dib-uheshiisiinta uu ka qeyb galo shuruud la’aan ,waxa uuna tilmaamay in markii hore uu diidanaa Shirka Dib-uheshiisinta iyo waliba Maamulka KMG uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Hogaamiyahan Dagaalka looga saaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu tagayo Magaalada Kismaayo waxa uuna tilmaamay in sanad kabadan uu kusugnaa duleedka Magaalada ayna hada ogolaadeen in wax waliba lagu xaliyo qaab nabdoon. 

Ciidamo daacad u ah Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa sanad kahor dagaaal waxa ay Magaalada Kismaayo uga saareen Col.Barre Hiiraale oo sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubba land.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog