Jaamacada Soomaaliya (UNISO) ayaa shalay waxa ay ku qabatay magaalada Muqdisho xaflad ay ku qalin jebinayeen 574 arday oo isugu jiray kuwa qaadanayay darajada koowaad ee heerka wax-barashada sare (Bachelor) iyo derejada labaad (Master)
In ka badan 530 kamid ah ardada ayaa waxa ay ka gudbayeen darajada koowaad ee heerka wax-barashada sare (Bachelor).
Munaasabda ayaa waxaa ka qeyb galay kusimaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, kusimaha R.wasaaraha ahna wasiirka Tacliinta Sare Ducaale, xildhibaanno, wasiirro kale, maamulka gobalka Banaadir, waalidiin, masuuliyiin kasocotay, shirkadaha dalka ka jira iyo marti Sharaf kale.
Qaar kamid ah ardada qalin jebineysay oo munsaabada ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay maanta u tahay maalin taariikhi ah oo ay gaareen yool ay in badan haminayeen.
Wasiirka Hidaha iyo tacliinta sare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kusima u ah madaxweynaha dalka oo safar ku maqan ayaa waxa ay khudbado dhaxal gal ah ka jeediyeen munaasabada iyaga oo ku dhiiri geliyay ardada maanta qalin jebinayay in ay sii wadaan dadaalkooda.
Jawaari ayaa ugu danbeyn waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyay qaar kamid ah ardadii qalin jebineysay isaga oon ay dhinacyadiisa taagnaayeen wasiirka Beeraha oo gadaal uga soo biiray munaasabada, wasiira ku-xigeenno Xildhibaan Dufle iyo masuuliyiinta Jaamacada Soomaaliya.
Qalin jebinta ayaa aheyd tii shanaad tan iyo markii dhidibada loo taagay 10 sano xilli laga joogo, waxaana dhamaan masuuliyiintii munaasabada ka hadlay ay sheegeen in inta ay jirtay jaamacadu in ay sameysay horumar la taaban karo oo ku dayasho Mudan.
Gabagabadii Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha gudiga sare ee Jaamacada Soomaaliya oo isna markiisa aad ugu mahadceliyay ardadii dadaalkooda ku guuleestay, waalidiintii guushaasi dhinacooda ka suura geliyay iyo waliba maamulkii iyo macalimiinta jaamacada oo uu sheegay in ay adkaan laheyn in la’aantood lagaaro yoolka la hiigsanayay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com