Inta badan Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa xiligan xiran , waxaana wadooyinka loo xiray Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhaw kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib safar dalka Mareykanka ah uu kasoo laabtay.
Xirnaashaha wadooyinka Muqdisho xiliyada ay dalka ka dhoofayaan ama kasoo dagayaan Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa saameyn badan ku yeesha dadka rayidka ah oo loo diido in ay maraan Wadooyinka qaarkood.
Waxaa Goordhaw agagaarka Bangiga Dhaxe ee Magaalada Muqdisho wado dhaxdeeda ku umushay Haweeney loola waday goob caafimaad kadib markii Ciidamada Dowlada ay u diideen gaariga waday Haweeneydaasi foosha aheed in lasii daayo lana geeyo goob caafimaad.
Mid kamid ah Goob joogayaal kusugnaa halka haweeneydan ku umushay ayaa noo sheegay in Ciidamada wadooyinka xireen ay u diideen in uu laamiga maro gaari waday gabadhaha foosha aheed oo xiligaas xanuun daran hayay , waxa uuna intaa raaciyay xitaa in loo diiday in gabadhaasi goob caafimaad loo qaado iyada oo qeybo kamid ah ilmaha ay gabadha banaanka uga soo baxeen.
Gabadha Foosha aheed ayaa ugu dambeyn waxa ay ku dhashay laamiga dhinaciisa , waxaana arintan si aad uga xumaaday dad badan oo kusugnaa halka ay gabadhan dhibku ku qabsaday loona diiday in Isbitaal lagu geeyo gaari waday xiligaasi.
Ma ahan markii ugu horeesay in Wadooyinka Muqdisho ku dhalaan Haween fool ah oo loo diido gaadiidka wada in wadooyinka maraan , waxaa sidoo kale mararka qaarkood jidka laga celiyaa dad xaalad halis ah ku jira oo Isbitaalada loo wado .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com