Waxaa aad u u sii xumaatay xaalada uu ku sugan yahay dalka Ukraine oo labo garab u kala jabay ka dib markii qoorta la isku galiyay ciidamada Milatariga dalkaas oo siyaasad ahaan la kala saftay Ruushka iyo wadamada ku midoobay Midawga Yurub.
Dagaalada ka holcaya dalka Ukraine gaar ahaan nawaaxiga magaalada Warshadaha badan ee Donezk ayaa waxay gaareen in maalin kasta la isku garaaco madaafic culus kuwaas oo qaarkood laga soo tuurayo diyaaradaha dagaalka waxaana deegaankaan guud ahaan iskaga qaxay dadkii degnaa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com