15/8/2014 Maalintii Jimcaha aheyd ee oo Ciidamada AMISOM ay weerarkii Hubka Dhigista ahaa lagu qaaday Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa waxa ay geesteen Tacadi wayn kaasoo ahaa in wiil yar oo Ciyaalka Garaabadda ka mid ahaa ay Rasaas Si bareer ah ugu fureen.
Dhacdadan xanuunka Badan ayaa Dhacday ka dib Xili Habeen ah abaarihii 3:30 AM ay Ciidamada Duulaanka ahaa iyagoo saf saf Laamiga ugu socday Suuqa Wayn ee Madiina Markii ay marayeen Xaafada Xaawo taako ayaa Meel Kabarka Jaad ka ah wiil yar oo jiifay oo ay u moodeen nin Dhufees ku jira ay rasaas si bareer ah ugu fureen.
Wiilkan yar ayaa Hoy u ahaa Kabarkaasi xiligaasi uu hurday, nasiib wanaag Ma uusan dhiman balse Dhaawac wayn ayaa ka soo gaaray taasoo ka haleeshay Lugaha iyadoo ay dhacday in laba cad ay kala noqtay Lugtiisa Bidix.
Gabar Deris la aheyd oo meesha falka ka dhacay maqlaysayna Taaha ka baxayay Wiilka balse aysan xiligaas usoo bixi Karin Maadaama ciidama ay Aag ka dhigteen aga gaarka dhan taaso sababtay inuu si aad ah u dhiig baxo wiilka, aroortii marka uu dagaalka istaagay ayey Gaari u kireysay isbitaalka Madiino loo qaaday, ka dibna waxaa dhacday in la jiifiyo isbitaalka, arinta Calool Xumadda leh waxa ay aheyd lugtiisa oo meel yar iska haysatay oo inta badan Go' Go'day ayaa ay dhaqaatiirta Go,aan ka gaari waayeeen goosmadeedda waayo wiilka Wax qarash ah looma haynin hadana waxa ay ku andacoonayaan Masuuliyaddiisa, Illaah baan ku dhaartay maanta Sawirka markii aan kasoo qaadayay Qolka Ur ayaan la geli waayay xitaa dadkii Bukaanka ahaa waay ay ka guureen Qolkaasi waayo lugta ayaa si aad ah u ureeysa maxaa yeellay waa ay go'day kuma taallo hadana dhaqaatiirta Daryeel ma siiyaan sabab dhaqaallo daro awgeed.
Xaliima Maxamed Maxamuud oo aheyd Gabadhii Geesay Isbitaalka ayaa haatan waxa ay la walaacsan tahay sida ay ka yeesho xaaladiia wiilka waayo habeenkii waxaa laga qaadaa 3$ daawadda si gaar ah ayeey u gaddaa Cunaddiisa u sii dheer, dhibaatada Taagan waxa ay tahay
Qarashka Gooysmadda Lugta oo ay wali la,dahay iyaddoo Deyn aad u fara badan gashay Sadexdii maalmood uu ku jiray Isbitaalka.
Arintan Xanuunka Badan ayaa waxaa illa Gudboonaatay in aan usoo bandhigo dhamaan Cid Kasta oo gacan ka geesan karta U gar gaarida Wiilkan yar oo dhibaatada haysata.
Cidii u baahan Wax ka ogaan shaha Xalada wiilkan Fadlan la xiriir
XALIIMO MAXAMED MAXAUUD oo ah Gabadha u ixsaan fashay Wiilkan
+252615502076
F.G Muuqaalka Sawirada aad ayey u liitaan Mobel ayaana lagu qaaday ka raali ahaada hadii aysan si fiican u arki kareyn
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com