Daawo Sawirada Cabdi Wali Gaas oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garawe

Thursday, August 14, 20140 comments

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo 9-8-2014-kii ka ambabaxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland oo maalimihii lasoo dhaafay hawlo shaqo ku joogey magaalada Boosaaso ee xarunta goolka Barri ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxwaynaha ayaa waxaa siweyn uga qayb qaatay Wasiiro,Xildhibaano,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland,Waxgarad,Saraakil Ciidan iyo qaar kamid ah Bulshada rayidka ah ee ku nool Magaalo Madaxda dawlada Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Mudadii uu ku sugnaa Magaalada Boosaaso waxa uu kulamo la’ qaatay Safiirka Dalka Soomaliya u fadhiya dawlada Imaaradka carabta mudane. Mohamed Al-Othman iyo Masuuliyin ka socday Shirkada Dubai Port Wall (DP) , sidoo kale waxaa ku weheliyey kulankaas Ganacsato reer Dubai ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashi ka samaystaan Puntland.

Shirkadan Ganacsi ee Dubai Port Wall (DP)ayaa ah shirkad ka howlgasha 63-Wadan waxana ay si toos ah u maamushaa 54-Dekedood,imaanshahooda Puntland ayaa salka ku haysa sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayen Dekeda Wey n ee Boosaaso,waxana loo balan sanyhay markii ay dib u soo laabtaan Masuuliyiinta shirkadaasi in ay Hashiis dhamastiran la’ saxiixdaan Dowladda Puntland.

Dhinaca kalena waxa uu Madaxwaynuhu kulamo kala duwan la qaatay Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Boosaaso,Waxgarad,Ganacsato,Hay’addaha amaanka ee Gobolka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Boosaaso kulamadaasina waxa ay ku soo dhamaaden Guul .

Deeganka Qow oo katisarn Gobolka Bari ayuu madaxweyne Gaas ku tagay Booqasho rasmi ah waxana halkaasi uu kula kulmay Maamulka iyo Dadka deegaanka,dhawaana waxa halkaasi laga fulinaya Mahsruucyo Horumarineed oo Dowladu ugu talagashay Deegaankaasi.















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog