Dibadbaxyo waaweyn oo saameyn ballaaran ku yeeshay Soomaalida Koonfur Afrika, ayaa maalintii 3-aad ruxaya Magaalo-xeebeedka Cape Town.
.
Kumanaan shacab ah oo xiran Funaanado ay ku sawiran yihiin Madaxweynihii caanka ahaa ee geeriyooday Nelson Mandela iyo kan haatan talada wadankan Koonfur Afrika haya ee Jocub Zuma, ayaa iyagoo caraysan si koox koox ah u maraya Waddooyinka waaweyn ee Magaalada,
Police-ka K/Afrika Ayaa Dusha Sare Iyo Hareeraha Ka Ilaalinayay Banaanbaxayasha Iyado Lo Diinadana Inay Boob Kula Dhaqaqaan Ganacsiyada Aadka U Weyn Ay Somalida Xaafadasi Ku Leedahay
.
Waxaa gabi ahaanba xiran Goobaha laga dukaamaysto ee ay Soomaalida ku leedahay Bellvile, iyagoo ka cabsi qaba in ay mehradahooda ganacsi cagta mariyaan Mudaharaadayaasha,
Waa dibad baxi ugu horreeyay ee cabsi geliya Soomaalida ku nool magaalada Cape Town.
Dhanka kale Wiil Soomaali ah oo muddo la la'aa ayaa shalay meydkiisa laga heley meelo buuro ah gobolka Eastern Cape, gaar ahaan magaalada Port Elisabeth kaasi oo sida la sheegay muda bil la waysana isaga iyo gaari uu watay kadibne la helay gaarigii oo la gubay maalmo kadibne la helay meydka wiilka oo la dilay islamarkane jirkiisa ay ka muuqato sadax xabadood.
Sido kale muwaadin kale oo soomaali ah oo aanan la garanaynin ayaa meydkiisa laga heley duleedka magaalada Durban kaasi oo isna sida muuqato la khaarijiyay.
Si kastaba horey dad Soomaali ah la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana soo kordhaya walwalka dadka aanan ehelada u joogin Konfur Afrika ee kaligood ambanaya
Abdirahmaan Muumin (Codeey)
South Africa-Cepe Town
Tell:+27738032589
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com